Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska ayaa Sabtidii si cad u diiday hanjabaadaha canshuuraha ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku wajahay siddeed dal oo Yurub ah arrinta Greenland awgeed, isagoo sheegay in canshuur lagu soo rogo dalal xulafo ah ay tahay “mid gebi ahaanba khaldan”.
Bayaan uu soo saaray, Keir Starmer ayaa mar kale ku celiyay mowqifka UK ee ah in Greenland ay ka mid tahay Denmark, isla markaana mustaqbalkeedu yahay arrin ay go’aansanayaan dadka Greenland iyo Denmark.
“Waxaan sidoo kale caddeynay in ammaanka Arctic-gu uu khuseeyo dhammaan NATO, isla markaana xulafadu ay tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax ka qabashada khatarta Ruushka ee ka jirta qaybo kala duwan oo Arctic ah,” ayuu ku yiri bayaanka, sida ay werisay BBC.
Starmer ayaa intaas ku daray in canshuur lagu soo rogo xulafada sababo la xiriira raadinta amniga wadajirka ah ee NATO ay tahay “mid gebi ahaanba khaldan”, wuxuuna sheegay in arrintan si toos ah ula qaadi doonaan maamulka Maraykanka.
Hadalladiisa ayaa yimid kaddib markii Trump uu horraantii Sabtida sheegay in Washington ay canshuuro cusub ku soo rogi doonto badeecadaha ka imanaya siddeed dal oo Yurub ah laga bilaabo 1-da Febraayo, iyadoo heerarka canshuuraha si weyn u kordhi doonaan bisha Juun, taas oo uu ku sababeeyay “walaac amni qaran” oo la xiriira Greenland.
Greenland, oo ah dhul is-maamula kana tirsan Boqortooyada Denmark, ayaa soo jiidatay danaha Maraykanka sababo la xiriira goobteeda istaraatiijiga ah, kheyraadkeeda macdanta oo aad u ballaaran, iyo welwel la xiriira dhaqdhaqaaqa sii kordhaya ee Ruushka iyo Shiinaha.
Trump ayaa marar badan sheegay in Maraykanku uu khasab ku yahay inuu la wareego Greenland si loo ilaaliyo ammaanka qaranka, loogana hortago in Ruushka ama Shiinaha ay gacanta ku dhigaan dhulkaas.
Labada dal ee Denmark iyo Greenland ayaa si cad u diiday soo jeedin kasta oo ku saabsan in la iibiyo dhulkaasi, iyagoo mar kale adkeeyay madax-bannaanida Denmark ee jasiiradda.

