Heemaal News Network

Abiy Ahmed Oo Xariga ka Jaray Garoonka Diyaaradeed Oo Laga Hirgaliyay Godey Ee DDS.(Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa saaka gaaray magaalada Godey xarunta gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida waxaana garoonka cusub ee magaalada ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.

Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Ugaas Miraad Layli ee magaalada Godey.

Garoonkani oo loo dhisay qaab casri ah ayay bulshada gobolka Shabeelle iyo guud ahaan kuwa deegaankuba kaga raysan doonaan garoon xumo horey u jirtay.

Goobta nasashada ee garoonkan ayaa horey u ahayd jiingado taasoo wajiga koowaad ee Godey oo ah magaalo fac weyn ka dhigaysay mid aad u hoosaysa maadaama afaafkii lagasoo galayay magaaladu ay ahayd mid duug ah oo aan u qalmin caasimadda 2aad ee Deegaanka.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonkani caalamiga ah ee xariga laga jaray sanado ka hor.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Midowga Afrika Oo Isku Raacay in Somaliya ay Noqoto Dalka u Sharaxan kursiga Golaha Ammaanka

Heemaaln

Somaliya: “Heshiiska Somaliland & Itoobiya wuxuu ka Dhigan yahay Iclaamin Dagaal”

Heemaaln

Itoobiya Oo Sahan Dhinaca Dekada ah ka Bilowday Dekedda Lamu Ee Dalka Kenya

Heemaaln