Warar laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in maanta uu dagaal dhex maray ciidamada dowladda Jabuuti iyo jabhadda Canfarta ee FRUD, kaas oo la sheegay inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Hase yeeshee, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si cad u xaqiijinaya tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka kaddib uu hawada ka maqan yahay khadka internetka ee dalka Jabuuti, taas oo abuurtay walaac iyo hadal-hayn xooggan. Ilo wareedyo madaxbannaan ayaa sheegaya in tallaabadan lagu xiray adeegga internetka ay timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya bannaanbaxayaal iyo dad dabaal-degaya, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin qowmiyadda Canfarta.
Xaaladda guud ee amniga iyo isgaarsiinta dalka ayaa weli ah mid aan si buuxda loo caddeyn, iyadoo aysan jirin wax war ah oo rasmi ah oo ay soo saareen dowladda Jabuuti ama hoggaanka jabhadda FRUD, kana hadlaya faahfaahinta dagaalka, sababtiisa ama khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli dalka Jabuuti uu wajahayo duruufo xasaasi ah oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, taas oo sii kordhisay walaaca ay qabaan shacabka iyo beesha caalamka. Wararka rasmiga ah ee ka soo baxa dowladda ama dhinacyada ku lugta leh ayaa la sugayaa si loo helo sawir cad oo ku saabsan waxa dhab ahaan ka dhacay.

