Ciraaq Oo Si Buuxda Ugala Wareegtay Maraykanka Gacan Ku Haynta Saldhiga Cayn al-Asad

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada milatariga Ciraaq ayaa la wareegay gacan ku haynta saldhigga cirka ee Cayn al-Asad ee ku yaalla galbeedka gobolka Anbar, kaddib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ee uu hoggaaminayo Maraykanku, sida ay Sabtidii shaacisay Wasaaradda Difaaca.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ciidanka Ciraaq si rasmi ah ula wareegeen maamulka saldhigga kaddib bixitaanka ciidamada isbahaysiga caalamiga ah.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Jeneraal Cabdul Amiir Raashid Yaarallaah, ayaa kormeer ku tagay saldhigga si uu u hubiyo kala qeybsiga waajibaadka iyo mas’uuliyadaha cutubyada Ciraaq kaddib wareejinta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee INA.

Isbahaysiga caalamiga ah ee uu hoggaaminayo Maraykanka ayaa la aasaasay sanadkii 2014 si loola dagaallamo kooxda argagixisada ah ee Daacish, kaddib markii ay qabsatay magaalada Mosul iyo dhul ballaaran oo ka mid ah Ciraaq.

Marka laga soo tago saldhigga cirka ee Cayn al-Asad, ciidamada isbahaysiga ayaa taariikh ahaan ka howlgalayay saldhig dhexe oo ku yaalla Baqdaad, xarumo ku yaalla Erbil, iyo xeryo tababar oo kala duwan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.