Dhimasho Iyo Dhaawac ka Dhashay Dab Xoogan Oo ka kacay Suuq-weyn Karachi ee Pakistan

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Lix qof ayaa ku dhintay Dab xoogan oo ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Karachi ee Pakistan iyadoo dab-damisku ay weli la tacaalayaan dabka.

Hal qof oo ciidamada dab-damiska ka tirsan ayaa ka mid ah dadka dhintay, in ka badan 20 qof ayaa dhaawacmay waxaana jirta cabsi in qaar ay weli ku xidhan yihiin gudaha suuqa dabaqyada ah.

Adeegyada gurmadka ee deegaanka ayaa sheegay in markii caawiyayaashu gaaren goobta dabku ka qarxay dabaqa hoose uu gaaray dabaqyada sare, goobtii oo dhanna hoos iyo kor uu dabku ku faafay iyadoo dhismaha intiisa badan uu horey dabku u qabsaday”.

Qaybo ka mid ah dabaqa Gul Plaza, oo ka kooban 1,200 dukaamo isla markaana leh 8,000 mitir oo laba jibbaaran ayaa soo dumay taas oo ciidamadu ay sheegeen inay carqaladaynayso dadaallada samatabixinta.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.