Dowlada Jabuuti Oo si Adag Uga Hadashay Warar Been Abuur ah Oo ay Somaliland ka Baahisay.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Jabuuti ayaa si Adag Uga Hadashay warar dacaayad iyo been-abuur oo ay faafiyeen xukuumada Somaliland iyo warbaahin taageerta, kuwaas oo sheegay in dagaallo ka dhaceen gudaha Jabuuti.

War ka soo baxay xukuumadda Jabuuti ayaa lagu caddeeyay in dalkaasi yahay mid nabad ah, amnigiisuna sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay.

Dowladda Jabuuti ayaa sidoo kale sheegtay in wararkaasi ka dhasheen caro ay ka qabaan maamulkaasi mowqifka Jabuuti ee taageerada midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo madaxda, ganacsatada iyo hoggaanka warbaahinta Somaliland ay adeegsadaan baasaboorka Jabuuti, arrintaas oo haddii dacaayadahan sii socdaan keeni karta cawaaqib siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo saameeya xiriirka labada dhinac.

Dowladda Jabuuti ayaa mar kale ku celisay in nabadda iyo xasilloonida dalkeedu ay yihiin kuwo aan la wiiqi karin.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.