Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa warqad caro badan ka muuqatay u diray Ra’iisul wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre , isagoo u sheegay inay caddaalad darro ahayd inaan la siin billada nabadda Nobel, taasna hadda ay ku dhiirrigelinayso inuusan mar dambe isku xil saarin nabadda adduunka, xilli uu sheegay horey inuu u joojiyay 8 dagaal oo saameyn ku yeelan lahaa nabadda adduunka. Waxaa kaloo uu caddeeyay isla go’aanka lagu dhaafiyay billadan inay tahay waxa ku dhiirrigelinaya la wareegista jasiiradda Greenland ee hoos tagta Denmark, sida ay werisey PBS News.
Warqada Trump, ayaa u qornayd;
1-•Maaddaama dalkiinnu go’aansaday in aan la i siin abaalmarinta nabadda ee Nobel, inkasta oo aan joojiyay 8 dagaal iyo ka badan, mar dambe ma dareemayo waajib ah in aan si shaqsi ah uga fikiro nabadda , inkastoo ay weli ahaan doonto mudnaanta koowaad , balse hadda waxaan ka fikiri karaa waxa u wanaagsan oo saxda ah dawladda Mareykanka.
2•Denmark ma awoodo inay Greenland ka difaacdo Ruushka ama Shiinaha, maxayse xaq ugu leeyihiin lahaanshiyaha Greenland? Ma jiraan wax dukumiinti ah oo qoran; waxa keliya ee jira waa in doon halkaas ku tagtay boqollaal sano ka hor, annaguna sidoo kale doonyo ayaan halkaas ku tagnay.
3•Waxaan u qabtay NATO wax ka badan qof kasta tan iyo markii la aasaasay, haddana NATO waa inay wax u qabataa Mareykanka. Duniddu ma noqon doonto mid ammaan ah illaa uu Mareykanku u helo si dhammeystiran jasiiradda Greenland ah.

