Baarlamaanka Türkiye Oo ka Doodaya Mudo Kordhinta Howlgalka Ciidamada Badda Turkiga Ee Somaliya

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Baarlamaanka Türkiye, ayaa Maalinta bari ah ka doodi doona codsi uu soo jeediyey Madaxweynaha oo ku saabsan kordhinta muddada howlgalka Ciidamada Badda ee Turkiga (TSK) muddo sanad kale ah laga bilaabo 10-ka Febraayo 2026.

Muddad-dheeraadka waxaa lagu dabaqi doonaa howlgalada ka socda Gacanka Cadmeed, biyaha Soomaaliya iyo meelaha xeebaha ku dhow, Badda Carabta, iyo gobollada la xiriira.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya dhawaan waxay saxiixeen heshiisyo amni oo ku saabsan difaaca, ammaanka badda Soomaaliya, howlaha xeebaha, iyo sahaminta saliida iyo khayraadka kale ee badda.

Haddii Baarlamaanka Türkiye ansixiyo kordhinta howlgalkan badda ee Soomaaliya, waxay gacan ka geysan doontaa sugidda ammaanka biyaha Soomaaliya iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.