Gud.G/Awdal Oo War kasoo Saaray Dilka Labada Marxuum Oo u Afduubnaa Beesha Ciise

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane C/Rashiid Xasan Mataan oo ku hadlaya Magaca Maamulka Gobolka Awdal ayaa dhambaal tacsiya u diraya qoyska iyo qaraabada Labada marxuum ee kala ah Mustafe jaamac Faarax iyo C/risaaq C/laahi oo dhawaan kooxo Hubaysani ka afduubteen deegaanka Riiga indha biraale, kuwaasoo ugu dambayna maanta la helay maydkooda islamarkaana lagu aasayo magaalada Saylac.

Gudoomiye Mataan, ayaa xafiiskiisa kula kulmay isla maanta ehelada labada marxuum iyo Salaadiintooda dhaqanka waxaana uu gudoomiyuhu ku booriyay inay nabada ilaaliyaan, islamarkaana khadarka Alle ku samraan.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa elelada ku war-galiyay in xukuumada ay gacanta kusoo dhigtay laba qof oo lagu tuhunsan-yahay inay raad ku lahaayeen dilka labada marxuum halka inta Kalena lagu daba joogo dhawaana la soo galin doono gacanta dawladda……..

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.