Qatar oo Somaliya ku Casuumtay Shir Muhiim u ah Amniga Badda.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Qatar ayaa si rasmi ah ugu casuuntay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Badda ka qeyb-galka shirka caalamiga ah ee DIMDEX 2026, oo lagu qabanayo magaalada Doha, Qatar.

DIMDEX 2026 waa bandhig iyo shir caalami ah oo ku saabsan difaaca iyo amniga badda, kaas oo ay ka soo qeyb galaan dalalka iyo shirkadaha ka shaqeeya difaaca badda, maraakiibta dagaalka, qalabka amniga xeebaha, diyaaradaha badda iyo tiknoolajiyada ilaalinta badaha. Shirka waxaa looga hadlaa arrimaha amniga badda, la dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, ilaalinta khayraadka badda iyo iskaashiga milatari ee caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa dalbatay taageero buuxda oo ku aaddan dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Badda, si loo xoojiyo amniga xeebaha, loo ilaaliyo khayraadka badda, loona la dagaallamo dambiyada ka dhaca badda. Dowladda Qatar ayaa ballan-qaadday inay ka caawiso Soomaaliya tababar, qalab iyo khibrad, iyadoo ka faa’iidaysanaysa iskaashiga caalamiga ah ee ay ku leedahay amniga badda.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee shirka ka qeyb-galaya ayaa la filayaa inay kulamo gaar ah la yeeshaan dhiggooda caalamka, isla markaana ka wadahadlaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga milatari iyo amniga badda.

Ka-qeybgalka DIMDEX 2026 iyo taageerada Qatar ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanideeda, dhismaha ciidankeeda badda, iyo sugidda amniga biyaha iyo xeebaha dalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.