Koofurta Dalka Spain waxaa ka dhacay Shil tareen oo galaaftay nolosha ugu yaraan 30 qof halka dhaawaca uu 150 ka badan yahay, Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in shilkaan uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhacay.
Labada Tareen ee isku dhacay waxaa saarnaa 400 oo Rakaab iyo shaqaalaha ka shaqeeya, dadka dhaawacmay waxaa la sheegay in ay lafaha ka jajabeen intooda badan kuwaas oo la geeyay Goobaha Caafimaadka sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Wasiirka Gaadiidka Spain, Oscar Puente ayaa dhacdadaan ku tilmaamay mid laga naxo isaga oo sheegay in Dowladdiisa ay xoogga saarayso sidii loogu gurman lahaa ehelka dadkooda dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaaray shilkaan.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Labada Tareen ee isku dhacay ayaa kasoo kala tagay Magaalooyinka Madird iyo Cordoba, waxaana durba joogsaday isu socdka waddadaas maadaama gurmad iyo daadgurayn uu halkaas ka billowday.

