Waxaa muuqata sansaan cusub oo tilmaameysa in uu bilowday isbahaysi cusub oo ka dhan ah Israal iyo qorshaha qalalaase abuurka ku salaysan ee Mareykanka. Isbahaysiga ayaa wararku sheegayaan in ay ka danbeyso Boqortooyada Sucuudiga, ayna hormuud u yihiin Turkiga, Pakistan, Iran iyo Masar.
Madaxweynaha Turkiga oo dagaal ba’an oo hoose oo ka socda Suuriya kula jira Israal oo taageeraya Iran ayaa yiri, “Waan hubaa in ayaga oo isticmaalaya caqliga Alle ku manaystay, walaalaheyga Iiraaniyiintu waa ay ka adkaan doonaan fitnada khiyaanada leh ee ay waddo Israa’iil, lana beegsatay Iran si ay u khalkhaliso nabadda iyo xasilloonida bulshada dalka.”
Iran oo si daran u jabisay qalalaase ay soo abaabuleen Maraykanka iyo Israal ayaa hadda ku jirta heegan sare oo ay kaga gaashaamaneyso dullaan cusub oo Mareykanku ku soo qaado, waxayna markii ugu horraysay taageero buuxda ka helaysaa dunida Islaamka oo ay hormuud u yihiin Sucuudiga iyo Turkiga.

