War Deg-deg ah: Dagaal Bart X ku Dhex-martay Dawlada Somaliya iyo Imaaraadka UAE

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Qoraal ay isku dhaafsadeen bart X oo uu soo qoray Abdulkhaleq Abdulla oo ah la taliyaha madaxwaynaha Imaaraadka ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta (UAE) uu go’aansaday inuu joojiyo taageeradii maaliyadeed ee billaha ahayd ee uu siin jiray Soomaaliya, taas oo uu ku sheegay $5 milyan.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in lacagtaasi loogu talagalay mushaharka ciidamada amniga, shidaalka adeegyada caafimaadka iyo raashinka, isla markaana ay ka mid ahayd taageero guud oo lagu sheegay $200 milyan oo uu Imaaraadku u fidiyay Soomaaliya, oo ay ku jireen gargaar bani’aadannimo iyo sahay cunto. Wuxuu sidoo kale xusay in taageeradaas la joojiyey

Dhanka kale, Kamal Gutale oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa jawaab ka bixiyay, isagoo sheegay in Imaaraadku hore u bixin jiray $3.6 milyan bishii oo taageero ah, balse ay joogsatay ku dhowaad laba sano ka hor.

Kamal Gutale ayaa sidoo kale sheegay in taageeradaasi aysan u muuqan mid “siyaasad ahaan nadiif ah”, isagoo ku eedeeyay Imaaraadka in uu barbar socda taageeradaas taageero kale siinayay mashaariic kala-qaybin iyo gooni-goosad, iyadoo loo marayo maleeshiyaad iyo hay’ado isbarbar socda, taas oo uu sheegay inay si toos ah uga hor imaaneyso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in taageeridda ciidan qaran aysan waafaqsaneyn “daciifinta dowladnimada gudaha”, isla markaana aan gargaar lagu dabooli karin falal lagu burburinayo hay’adaha dastuuriga ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.