Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda Oo si Kulul Ugu Jawaabay Wiilka Musafani Oo ah Taliyaha Ciidamada Uganda

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda Bobi Wine ayaa jawaab kulul hawada u mariyay Taliyaha Ciidamada Uganda oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi. Wiilka Madaxweynaha oo lagu magacaabo Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu baahiyay ugu baaqey Bobi Wine inuu Ciidamada isu dhiibo 48 saacadood hadii kale uu ula dhaqmi doonno sidii qof danbiile ah ama falaago ah.

Bobi Wine ayaa ugu jawaabay wiilka Madaxweynaha Uganda “waxaad ku amartay ciidamadaada iney igu waxyeeleeyaan gurigayga, laakiin ciyaartaas waan kaaga badiyay waanan baxsaday..” isagoo sii raaciyay “waan soo kaban doonnaa markaan go’aansado, markaas adiga iyo aabahaa waxaad rabtaan sameeya laakiin khalad ha samaynina, KANI WAA DALKEENA….” ayuu kusoo gaabiyay jawaabtiisa Bobi Wine Hogaamiyaha Mucaaridka Uganda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.