73
Trump, ayaa billaabay inuu bannaanka keeno farrimaha ay usoo diraan hoggaamiyeyaasha Yurub, wuxuu hadda baahiyay farriin uu telefoonkiisa ugu soo diray ; Madaxweynaha Faransiiska, Macron.
Farriintaas waxay u qornayd sidan:
Saaxiibkay,
•Arrinta Suuriya si buuxda ayaan isugu afgaranay.
•Waxaan wada gaari karnaa horumar dhab ah oo ku saabsan Iiraan.
•Weli si fiican uma fahmin waxa aad ka waddo Greenland.
•Aan isla dhisno waxyaabo waaweyn.
1) Waxaan qabanqaabin karaa kulan G7 ah oo Paris ka dhaca, kaddib Davos, galabnimada Khamiista, anigoo dhinaca kale martiqaadi kara Ukraine, Denmark, Suuriya iyo Ruushka.
2) Aan casho wada ku wada qaadanno Paris Khamiista, ka hor inta aadan ku laaban Mareykanka.


