Aljeeriya oo Hoos u Dhigtay Xiriirka Diblomaasiyadeed Ee Imaaraadka.

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, ayaa go’aansaday in si weyn hoos loogu dhigo heerka matalaadda diblomaasiyadeed ee dalkiisa ku leeyahay Imaaraadka Carabta, taas oo muujinaysa in xiriirka labada dal uu galay marxalad xasaasi ah. Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay wargeyska Africa Intelligence, safiirkii Aljeeriya ee Abu Dhabi, Amor Fritah, ayaa si rasmi ah dib loogu yeeray dalkiisa, mana jirto diblomaasi kale oo loo magacaabay beddelkiisa, arrintaas oo ka dhigan in safaaradda Aljeeriya ee Imaaraadka ay hadda ku shaqaynayso heer aad u hooseeya.

Go’aankan ayaa la xiriira dhowr arrimood oo siyaasadeed iyo kuwo amni oo Aljeeriya ay si weyn uga walaacsan tahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadka la yeeshay Israa’iil, halka Aljeeriya ay weli si adag u taageerto qaddiyadda Falastiin una aragto in tallaabadaas ay ka hor imanayso mowqifka guud ee Carabta iyo Islaamka. Sidoo kale, Aljeeriya waxay ku eedaysay Imaaraadka inuu door ku leeyahay siyaasado hurinaya xasillooni darrada ka taagan gobolka Saaxil, isla markaana faragelin ku sameeya arrimaha Suudaan, gaar ahaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka sokeeye ee dalkaas.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in booqasho dhawaan Aljeeriya ku tagay ergay gaar ah oo uu diray Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo watay farriin rasmi ah, ay ku soo beegantay xilli ay Aljeeriya dib u eegaysay xiriirkeeda dalal dhowr ah oo ku lug leh arrimaha Geeska Afrika, taas oo iyaduna ka mid noqotay qodobada sii kordhiyey xiisadda u dhexeysa Aljeeriya iyo Imaaraadka.

Isku darka arrimahan ayaa sababay in Aljeeriya ay qaadato go’aan siyaasadeed oo culus, kuna dhawaaqdo hoos u dhigista xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee Imaaraadka Carabta. Tani waxay muujinaysaa isbeddel ku yimid siyaasadda gobolka, iyadoo la tilmaamayo in Imaaraadku si isa soo taraysa ugu jeesanayo xiriirro istiraatiiji ah oo uu la sameeyo Israa’iil iyo Hindiya, halka uu ka sii fogaanayo mowqifyadii mideyn jiray dunida Carabta iyo Islaamka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.