Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay in Maraykanka Uu ka Dalbaday Inay ku Biiraan Guddiga Nabadda Ee Qasa.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Shiinaha ayaa maanta xaqiijiyay in Maraykanka uu u soo diray casuumaad inay ku biiraan waxa loo yaqaan “Guddiga Nabadda” (Board of Peace) oo uu soo jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, kaasoo ah hindise caalami ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka aduunka, gaar ahaan dagaalka Gaza.

Laakiin Beijing, oo dhowaan heshiis ganacsi xasaasi ah la saxiixatay Washington, ma shaacin inay aqbali doonto ama diidi doonto casuumaadda. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa sheegay in dhinaca Shiinaha uu helay casuumaadda, balse uusan faahfaahin ka bixin go’aanka rasmiga ah ee Shiinaha ee ku saabsan ka qaybgalka.Hindisahan ayaa Washington u fidisay casuumaad dalal badan, laakiin dawladaha dunida ayaa ka muujiyay dareen taxadar ah iyaga oo sheegaya in hindisaha noocan ahi uu khatar gelin karo doorka Qaramada Midoobay. Guddigan waxa uu marka hore diiradda saarayaa khilaafka Gaza, ka dibna la balaadhin doonaa si uu uga howlgalo meelo kale. Trump ayaa la sheegay in uu guddoomiyaha joogtada ah ahaan doono noloshiisa oo dhan, halka dowladaha xubnaha ah ay yeelan doonaan muddo saddex sano ah haddii aysan bixin “$1 bilyan” si ay u helaan xubinimo joogto ah.

Guo wuxuu sheegay in xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka uu ahaa mid aan fadhin oo is badbadala, laakiin guud ahaan uu xaqiijiyay in xiriirku yahay mid deggan. Markii la weydiiyay qiimeyn ku saabsan sanadkii lasoo dhaafay ee Trump, gaar ahaan mowqifkiisa ku saabsan Venezuela iyo hanjabaadda uu u jeediyay in uu la wareego Greenland, afhayeenku waa ka gaabsaday inuu jawaab cad ka bixiyo

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.