Mareykanka Oo Sheegay Inay Dhammaatay Ujeeddadii Uu u Dhisay Ciidanka Kurdida Suuriya

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay dhammaatay ujeeddadii loo dhisay taageerrada Mareykankana ay ku helayeen ciidanka Kurdida Suuriya ee SDF oo ahayd la dagaallanka Daacish, taa beddelkeedana looga baahanyahay inay ka mid noqdaan dawladda Suuriya , waxa uu Mareykanka ku caawin karana ay tahay in dawladda Suuriya laga codsado ilaalinta xuquuqda Kurdida , sida uu waxyar ka hor sheegay ergayga Mareykanka ee Suuriya, Tom Barrack.

Hadalkan wuxuu ka soo baxay Mareykanka , xilli 15 sanno kadib SDF laga saaray deegaannada ay maamulayeen ee waqooyiga iyo bariga Suuriya , waxayna gacanta ku hayeen 80% khayraadka shidaalka,gaaska iyo biyo xireennada laga dhaliyo korontaa Suuriya , muddadaa kooxdan waxay ku tiirsanayd taageerrada Mareykanka , waxay u dhaqmayeen sida awood aan la burburin karin, waxay iska diideen dalabaad uga yimid Axmed Sharac oo la xiriira inay dawladda ku soo biiraan is maamulna yeeshaan, laakin iyagoo isku haleynaya Mareykanka waxay diideen codsiga, taa oo dhalisay dawladda Suuriya inay adeegsato xoog milatari oo ay ka saarto dhulka ay heysteen Kurdida.

Waxaa wax ku filan ku tiirsanaanta iyo isku haleynta taageerrada shisheeye cawaaqibka ka dhalanaya. Farrin ay wadaageen Trump iyo madaxweynaha Faransiiska , Macron ayaa laga arkay inay jirto heshiisyo quwadaha u dhaxeeyay oo la xiriira arrimaha Suuriya, taa oo meesha ka saaraysa in cid aan ahayn nidaamka Axmed Sharac , aan la taageerrin, arrin suragalisay in guud ahaan dhulka Suuriya ay la wareegto dawladdu.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.