India ayaa go’aansatay inay kala baxdo qoysaska iyo dadka ku tiirsan diblomaasiyiinteeda ku sugan Bangladesh, kaddib markii ay sare u kaceen walaacyada amni iyo xiisadda siyaasadeed ee ka jira bangladesh ka hor doorashada guud ee la filayo 12-ka Febraayo. Go’aankan, oo sarkaal Hindi ah uu sheegay Arbacadii, ayaa lagu tilmaamay mid qayb ka ah “dib-u-habayn gudaha ah,” inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah la bixin.
Tallaabadan ayaa timid xilli ololaha doorashada Bangladesh uu bilaabanayo Khamiista, iyadoo doorashadu dhalisay bannaanbaxyo iyo kacdoonno siyaasadeed. Xiriirka labada dal ayaa sidoo kale sii xumaaday tan iyo markii Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina ay u qaxday India sanadkii 2024, kaddib mudaharaadyo rabshado wata oo dalka ka dhacay.
Bishii Diseembar, India ayaa u yeertay safiirkeeda Bangladesh si ay uga muujiso walaac ku saabsan xaalad amni oo sii xumaanaysa, gaar ahaan hanjabaado lagu beegsanayo safaaradda India ee Dhaka. Dhanka kale, dowladda ku-meelgaarka ah ee uu hoggaamiyo Muhammad Yunus ayaa si isdaba joog ah u dalbanaysa in Hasina dib loogu soo gacan geliyo Bangladesh, iyadoo sidoo kale diidday walaacyada India ee la xiriira rabshado lagu beegsanayo bulshada Hindu-ga ee laga tirada badan yahay

