Booliiska Kenya oo Xabsiga Dhigay ku Dhawaad 30 Dhalinyaro Somali ah

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 23 ruux oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo lagu eedeeyay jirdil iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah oo ay kula kaceen gabdho u dhashay dalka Kenya.

Dhalinyaradaan oo dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ciidamadu ku raadjoogeen ayaa ugu dambeyn lagu xiray dhamaantood xabsi ku Saldhiga Booliiska ee Pangani.

Dhalinyarada ayaa iyagoo koox koox u socda mudooyinkii dambe barta TikTok-ga kusoo gudbinaayay muqaalo anshax daro ah oo ay kula kacayaan gabdhaha u dhashay dalkaas, sida iney jirdil ku sameeyaan iyo in si anshax daro ah u taabtaan jirkooda.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dhalinyaradan sacaadaha soo socda la horgeyn doono Maxkamad, waxaana kiiskooda qeyb ka ah in laga soo masaafuriyo guud ahaan dalka Kenya, islamarkaana loo soo celiyo dalkioda.

Inta badan Soomaalida ku nool dalka Kenya, gaar ahaan xaafada Islii ayaa si weyn u soo dhaweeyay in dhalinyaradaani lasoo xiro, islamarkaana lagu maxkamadeeyo falalka anshax darada ahaa oo ay kula kaceen gabdhaha u dhashay dalka Kenya.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.