Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaaraysa 1 milyan oo dollar, taas oo la siin doono cid kasta oo keenta xog lagu aqoonsan karo ama lagu soo qaban karo dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo 4-tii Sebtembar 2025.
Weerarkaasi oo lagu beegsaday ciidamada iyo hantida Maraykanka, isla markaana ay ku sugnaayeen sidoo kale ciidamo Afrikaan ah, ayaa isugu jiray gantaallo iyo rasaas, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda (Rewards for Justice) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa shaaciyay in abaalmarintaas la siin doono qof kasta oo bixiya macluumaad horseedi kara in la aqoonsado, la helo, ama la soo qabto shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkaas.
Dowladda Maraykanka ayaa caddeysay in weerarkaasi uusan geysan wax khasaare naf ama mid hantiyeed, balse uu ahaa mid si toos ah u halis geliyay amniga ciidamada caalamiga ah ee ku sugan Kismaayo.
“Ma haysaa xog ku saabsan shaqsiyaadkii ku lugta lahaa weerarrada? U soo dir Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda. Xogtaadu waxay kuu sahli kartaa abaalmarin iyo dib-u-dejin,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka.
Ciidamada Maraykanka ayaa saldhig ku leh agagaarka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, halkaas oo ay ku tababaraan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kumaandooska Danab, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa muddo dheer ka dambeeyay weerarro argagixiso oo ka dhacay gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, kuwaas oo sababay khasaare naf oo aad u badan, oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah, islamarkaana halis geliyay xasilloonida gobolka.

