Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeymo ka Geystay Degaanka Kudhaa

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Kenya ayaa tan iyo salaaddii duhur ee maanta duqeymo culus ka wada deegaanka Kudhaa, oo hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Duqeymahan oo ahaa kuwo isdaba joog ah ayaa lagu beegsaday gaadiid dagaal iyo dagaalyahano ka tirsan Khawaarijta Al shabaab oo ku sugnaa deegaanka, kadib markii ay saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaadeen Kudhaa, isla markaana ay si ku-meel-gaar ah ula wareegeen.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in duqeyntu ay sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha.

Sidoo kale, waxaa jira burbur soo gaaray gaadiid dagaal oo ay wateen Al shabaabka la beegsaday.

Xaaladda guud ee deegaanka Kudhaa ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga helo saacadaha soo socda.

Dowladda iyo laamaha ammaanka ayaan wali ka hadlin natiijada rasmiga ah ee duqeymaha.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.