Maxkamad ku taalla dalka Japan ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday Tetsuya Yamagami, oo ah nin 45 jir ah, kaas oo 8-dii July sanadkii 2022 toogasho ku dilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe. Dilkaas oo ahaa mid gilgilay dalka Japan iyo guud ahaan caalamka, ayaa ka dhacay xilli Shinzo Abe uu khudbad u jeedinayay dadweyne, xilli uu socday olole doorasho.
Tetsuya Yamagami ayaa tan iyo markii la qabtay ku jiray xabsi muddo dheer, iyadoo hay’adaha ammaanka iyo maxkamaduhuba ay baaritaan ballaaran ku hayeen sababaha ka dambeeyay falkaas dilka ah. Baaritaannada ayaa muujiyay in eedeysanuhu uu si kaligiis ah u qorsheeyay una fuliyay weerarka, isaga oo isticmaalay qori gacan-ku-sameys ah.
Qareennada u doodaya Tetsuya Yamagami ayaa maxkamadda ka hor sheegay in ay ka biyo diidan yihiin xukunka xabsi daa’inka ah, iyagoo tilmaamay in ay ixtiraamayaan go’aanka maxkamadda balse ay doonayaan in dib loo eego xukunka, isla markaana laga fududeeyo, iyagoo ku sababeeyay xaalado la xiriira maskaxda iyo duruufaha nololeed ee muwakilkooda.
Dhanka kale, qaadigii maxkamadda xukunka ridday ayaa si cad u adeegsaday erayga “Dilaaga” marka uu shaacinayay xukunka, taas oo muujinaysa sida maxkamaddu u aragtay culayska dambiga uu galay eedeysanaha. Xafiiska Xeer Ilaalinta Japan ayaa isaguna sheegay in falka Yamagami uu ahaa mid si weyn u qalqalgeliyay amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, isla markaana argagax ku abuuray bulshada reer Japan.
Tetsuya Yamagami ayaa horay u qirtay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay Shinzo Abe, isaga oo sheegay in uu u arkayay ninkaasi inuu mas’uul ka ahaa dhibaatooyin uu noloshiisa ku arkay, inkastoo arrintaasi aysan wax cudurdaar ah u noqon falka dilka ah.
Dilka Shinzo Abe ayaa ka dhacay magaalada Nara, oo ku taalla koonfurta Japan, waxaana sidoo kale eedeyn xooggan loo jeediyay ilaalada ammaanka ee Ra’iisul Wasaarihii hore, kuwaas oo lagu dhaliilay dayacaad amni oo horseeday in weerarkaasi dhaco, maadaama Japan ay ka mid tahay dalalka ugu amniga adag caalamka.
Ugu dambeyn, kiiskan ayaa weli ah mid xusuus gaar ah ku leh bulshada Japan, maadaama Shinzo Abe uu ahaa hoggaamiye si weyn loo yaqaan, isla markaana dilkiisu uu jebiyay xeerarkii iyo dhaqankii amni ee dalkaas oo muddo dheer ka caaganaa falal hubeysan.

