Ururka Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ku dhawaaqay samaynta isbahaysi siyaasadeed cusub oo ay ugu magac dareen Isbahaysiga Shacabka Soomaaliyeed ee Aayo-ka-tashiga (SPAS), kaas oo ay sheegeen inuu u taagan yahay mideynta dadaallada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo kuwa bulshada ee shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Itoobiya.
Bayaan dheer oo ay si wadajir ah u soo saareen ONLF, Congress for Somali Cause (CSC) iyo Somali Regional Democratic Alliance (SRDA), laguna faafiyay magaalada Jigjiga, ayaa lagu sheegay in isbahaysigan cusub uu yahay mid looga golleeyahay “in lagu xoojiyo codka siyaasadeed, sharafta iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed”.
Ururradan ayaa mar kale ku celiyay doodda ah in ku biirinta dhulalka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay ahayd mid taariikh ahaan ku timid “iyadoo aan raalli ka ahayn shacabka Soomaaliyeed”, iyagoo ku eedeeyay dowladihii kala dambeeyay ee Itoobiya inay ku dhaqmeen takoor, cabburin siyaasadeed iyo ku tumasho xuquuqda aasaasiga ah.
Bayaanka ayaa sidoo kale dib u milicsaday heshiiskii nabadeed ee 2018, bilowgii xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, markaas oo ONLF ay hubka dhigtay, kuna biirtay hannaanka nabadeed. Hase yeeshee, ururku wuxuu sheegay in rajadii laga qabay nabaddaas ay noqotay “mid madhan”, isla markaana ay sii socdeen eedeymo la xiriira barakicin, la wareegid dhulal iyo cadaadis siyaasadeed.
“Cutubkii is-xakamaynta wuu dhammaaday,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu eedeeyay xukuumadda Addis Ababa inay diidday wada-hadal, isla markaana ay qaaday tallaabooyin ay ururku ku tilmaameen kuwo “halis ku ah jiritaanka shacabka Soomaaliyeed”.
Isbahaysiga cusub ee SPAS ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay mideeyaan mowqifkooda, ayna muujiyaan “go’aan mideysan oo ku saleysan xaq u dirir iyo aayo-ka-tashi”.
Dhanka kale, dowladda Federaalka Itoobiya weli kama aysan hadlin bayaankan cusub, mana jirto wax jawaab ah oo si rasmi ah uga soo baxay xukuumadda Addis Ababa ilaa iyo hadda.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli ay weli taagan yihiin walaacyo caalami ah oo la xiriira xasilloonida iyo xuquuqda aadanaha ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ay colaadaha iyo murannada siyaasadeed saameeyeen.a

