Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Jubbaland ku metela heer federaal ayaa warsaxafadeed wadajir ah kasoo saaray dagaalkii ka dhacay deegaanka Kudhaa.
Xildhibaanadu waxay si weyn u bogaadiyeen guusha ay halkaas ka gaareen Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo si geesinimo leh uga hortagay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadday deegaankaasi.
Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay muujiyeen karti, midnimo iyo feejignaan sare, taasoo keentay in si buuxda loo fashiliyo qorshihii kooxda Al-Shabaab, lagana hortago khasaaro ay u geysan lahaayeen shacabka deegaanka. Xildhibaanadu waxay tilmaameen in guushan ay caddeyn u tahay horumarka amni ee ka socda Jubbaland iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.
Sidoo kale, Xildhibaanada Labada Aqal ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada askartii ku shahiiday dagaalka, iyagoo Alle uga baryay inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, halka ay caafimaad degdeg ah u rajeeyeen dhaawacyada. Waxay mar kale adkeeyeen taageeradooda buuxda ee ay u hayaan Ciidamada Qaranka iyo kuwa Jubbaland, iyagoo ku boorriyay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni buuxda.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isna horey u bogaadiyey Ciidamada Jubaland iyo Kumaandooska Danab kaddib guulo waaweyn oo ay ka gaareen al shabaab, kadib howlgallo ka dhacay deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose.
Howlgal socday in ka badan 24 saac ayaa lagu dilay in ka badan 59 dagaalame, laguna dhaawacay 42 kale, iyadoo la burburiyay 10 gaari dagaal sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, Madaxweynaha ayaa u duceeyay halyeeyadii shahiiday, una tacsiyeeyay eheladooda, isla markaana caafimaad u rajeeyay dhaawacyada, isagoo adkeeyay in ciidamadu ka go’an tahay sugidda amniga Jubbaland.
HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEED



