Diyaaradii Xamuul Ee Hubka Gayn-jirtay Suudaan Oo Joojisay Duulimaadyadii Saldhigyo Militari

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Diyaarad xamuul ah oo horey loogu eedeyay inay hub gaarsiiso kooxda RSF ee Suudaan , ayaa maalmihii u dambeeyay joogteysay duulimaadyo ay ku kala gooshayso saldhigyo militari oo ku kala yaalla Abu Dhabi, Israa’iil, Baxrayn iyo Itoobiya, sida uu baahiyay wargeyska Middle East Eye.

Inkasta oo ujeeddada duulimaadyadan iyo xiriirka ka dhexeeya aan weli si cad loo ogaan, haddana waxay ku soo beegmayaan xilli ay sii xoogeysanayso loollan awood oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, kaas oo ku fiday Yemen iyo Geeska Afrika, isla markaana beddelay khariidadda siyaasadda gobolka una horseeday walaac laga qabo in dagaalka Suudaan mar kale sii laba kacleeyo.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.