194
Qareenno UK ah ayaa u gudbiyay dowladda UK codsi ay ku dalbanayaan in cunaqabatayn dhaqaale iyo mid safar lagu soo rogo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyagoo ku eedeeyay inuu door ku leeyahay dambiyo iyo xadgudubyo ka dhan ah Falastiiniyiinta.
Codsiga waxaa gudbisay shirkadda qareennada Deighton Pierce Glynn, iyadoo matalaysa AOHR UK. Ururka ayaa sheegay inay soo bandhigeen caddeymo ku saabsan ku lug lahaanshaha Netanyahu ee falal ka dhacay Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.
Sidoo kale, waxay sheegeen in hadallada Netanyahu yihiin kicin falal mamnuuc ah, islamarkaana ay muujinayaan ujeeddo lagu waxyeelleynayo shacabka Falastiin ee Gaza, taas oo ay ku tilmaameen mid gaartay kicin xasuuq

