ICE oo ku dhawaaqday, bilowdayna hawlgal cusub oo la yiraahdo “Catch of the Day”

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa bilaabay hawlgal ballaaran oo ka socda gobolka Maine, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo muhaajiriinta. Hawlgalkan oo loo bixiyay “Operation Catch of the Day” ayay warisay wargeyska Boston Globe.

Hay’adda ICE ayaa Arbacadii xaqiijisay hawlgalka, kadib markii laga soo sheegay dhaqdhaqaaq sii kordhaya, gaar ahaan aagga magaalada Portland, laga bilaabo subaxnimadii Talaadada.

Magaalooyinka Portland iyo Lewiston, oo qiyaastii shan mayl isu jira, ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee hawlgalka. Labada magaalo waxay leeyihiin bulshooyin waaweyn oo Soomaali ah iyo dad magangelyo-doon ah oo ka kala yimid dalal badan oo Afrikaan ah.

“Qof walba wuxuu ku jiraa feejignaan sare,” ayuu yiri duqa magaalada Portland, Mark Dion.

Mutadawiciin ayaa cunto u geynaya qoysaska aadka uga baqaya inay bannaanka u baxaan, halka dugsiyo badanna ay sheegeen in ardaydu guryaha iska joogaan. Labo dugsi oo maxalli ah ayaa si ku-meelgaar ah u joojiyay gelitaanka iyo ka bixitaanka dadka subaxnimadii Talaadada, kadib warar ku saabsan dhaqdhaqaaq ICE oo ka socday meel u dhow, sida ay sheegtay Washington Post.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in hawlgalku uu bartilmaameedsanayo “muhaajiriinta sharci-darrada ah, kuwaas oo argagax geliyay bulshooyinka.”

Duqa magaalada Lewiston, Carl Sheline, ayaa si adag u cambaareeyay hawlgalka:
“Raggan wejiyada qarsaday ee aan ixtiraamka u hayn sharciga waxay keenayaan dhaawac waqti dheer saameynaya gobolkeenna iyo dalkeenna.”

Hawlgalku wuxuu yimid kadib markii madaxweyne Trump uu marar badan hadallo aflagaado ah ku weeraray muhaajiriinta Soomaaliyeed.

Bishii Diseembar ayuu sheegay inuusan gebi ahaanba rabin Soomaalida inay joogaan Mareykanka, isagoo ku andacooday inay “ka yimaadeen jahannamo” isla markaana “aysan waxba ku soo kordhin.” Trump sidoo kale wuxuu ka laabtay xaaladdii ilaalinta ku-meel-gaarka ahayd (TPS) ee Soomaaliya.

Gobolka Maine waxaa ku nool bulshooyin Soomaaliyeed oo waaweyn, gaar ahaan Portland iyo Lewiston. Ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa soo sheegay cabsi iyo walbahaar ka jira magaalooyinkan.

Hawlgal ICE ah oo ka dhan ah Soomaalida Minneapolis, ayaa horraantii bishan sababay mudaaharaadyo waaweyn, kadib markii sarkaal ICE ah uu dilay muwaadin Mareykan ah.

Guddoomiyaha gobolka Maine, Janet Mills, ayaa uga digtay dowladda federaalka:
“Haddii qorshahoodu yahay inay halkan u yimaadaan si ay u kiciyaan bulshada una wiiqaan xuquuqda madaniga ah ee dadka Maine, yaanan la isku khaldin  xeeladaha noocaas ah halkan laguma soo dhoweynayo.”

Subaxnimadii Arbacada, wakhtiga maxalliga ah, ccidanka ICE ayay waxay xidheen 50 qof, waxayna sheegeen inay bartilmaameedsanayaan boqolaal kale.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.