Turkey oo Iran ku Wargaliyay Weerar Ugu Imaanaya Israel.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in ay jiraan calaamado muujinaya in Israel ay raadinayso fursad ay ku weerarto Iiraan, isagoo ka digay in tallaabadaasi ay sii xumayn karto xasilloonida gobolka.

Wasiir Fidan ayaa sheegay in walaacaas uu si toos ah ugu gudbiyay hoggaanka Iiraan intii uu booqasho ku joogay Tehran.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna sheegay in Turkigu ka soo horjeedo faragelin shisheeye oo ka dhan ah Iiraan, isla markaana uu qiimeeyo nabadda iyo xasilloonida deriskiisa.

Dhanka kale, mas’uul sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in Tehran ay u arki doonto weerar kasta “dagaal buuxa,” xilli ay sii kordhayaan hadallo kulul oo u dhexeeya Washington iyo Tehran. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maraakiib ciidan loo diray gobolka Khaliijka.

Iiraan ayaa ku hanjabtay inay si adag uga jawaabi doonto wax kasta oo ka dhan madax-bannaanideeda

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.