Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa shaacisay Istaraatiijiyaddeeda Cusub ee Difaaca Qaranka, taas oo muujinaysa isbeddel weyn oo ku yimid mudnaanta amniga Mareykanka, iyadoo Shiinaha uusan mar dambe ahayn khatarta ugu weyn ee amniga dalka.
Dukumentigan oo la daabaco afartii sanaba mar, kana kooban 34 bog, ayaa la sii daayay Jimcihii. Waxa uu si cad u sheegayaa in ammaanka dhulka Mareykanka iyo guud ahaan Galbeedka Qaaradda Ameerika (Western Hemisphere) uu haatan yahay walaaca koowaad ee amniga qaranka.
Pentagon-ku wuxuu xusay in Mareykanku muddo dheer iska indhatiray “danaha dhabta ah” ee muwaadiniintiisa, taas oo sababtay in dib loo eego jihada istaraatiijiyadda difaaca. Warbixintu sidoo kale tilmaantay in Mareykanku uu siin doono taageero “xaddidan” xulafadiisa caalamiga ah.
Marka la eego qeexidda Western Hemisphere, ereygaasi inta badan wuxuu tixraacaa qaaradaha Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, kuwaas oo hadda loo arko inay yihiin meelaha ugu mudnaanta badan ee difaaca Mareykanka.
Istaraatiijiyaddan cusub waxay daba socotaa Dukumentiga Istaraatiijiyadda Amniga Qaranka ee la soo saaray sannadkii hore, kaas oo lagu sheegay in Yurub ay wajahaysay “hoos-u-dhac dhaqan”, isla markaana aan si cad loogu magacaabin Ruushka inuu yahay khatar toos ah oo ku wajahan Mareykanka. Xilligaas, Moscow waxay sheegtay in dukumentigaasi “si weyn ula jaanqaadayo” mowqifkeeda siyaasadeed.
Arrintan ayaa si weyn uga duwanayd Istaraatiijiyadda Difaaca Qaranka ee 2022, taas oo Shiinaha ku tilmaantay “khatar dhinacyo badan leh” isla markaana ahayd mudnaanta ugu sarreysa ee difaaca Mareykanka. Sidoo kale, dukumenti hore oo la soo saaray 2018 ayaa Shiinaha iyo Ruushka ku sifeeyay quwado “isbeddel doon ah” oo ah caqabadaha ugu waaweyn ee amniga Mareykanka.
Isbeddelkan cusub ayaa muujinaya jihada cusub ee siyaasadda difaaca Mareykanka, iyadoo diiradda la saarayo amniga gudaha iyo xasilloonida gobolka Ameerika, halkii laga sii wadi lahaa istaraatiijiyad si buuxda ugu wajahneyd quwadaha caalamiga ah.

