Air France iyo KLM Oo ku Dhawaaqay Inay Hakiyeen Duulimaadyadii Bariga Dhexe

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Air France iyo KLM ayaa ku dhawaaqay inay si ku-meelgaar ah hakad u geliyeen qaar ka mid ah duulimaadyadoodii Bariga Dhexe, sababo la xiriira xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee gobolka.

Air France ayaa joojisay duulimaadyadii Dubai, iyadoo sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda. Dhanka kale, KLM ayaa hakisay duulimaadyo ku tagi jirey Tel Aviv, Dubai, Dammam iyo Riyadh, waxayna sidoo kale sheegtay inaysan mari doonin hawada dalal ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Iiraan.

Go’aankan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in ciidan iyo maraakiib dagaal oo Maraykan ah ay u socdaan dhanka Bariga Dhexe.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.