Sheekh Mustafe Burco Oo si Adag Uga Hadlay Xariirka Somaliland iyo Israa’ill

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwa ugu caansan ayaa si adag uga hadlay talaabooyinka ay Somaliland u qaaday dhinaca Israa’iil ee la xariira aqoonsiga.

Sheekh Mustafe ayaa si qotodheer uga hadlay dhibaatooyinka ay leeyihiin Yuhuuda, isagoo xusay in Yahuudu dhibaatooyinka ay u geysateen Muslimiinta ah ay yaabeen xataa dalalka Kirishatanka ah.

“Isra’iil keliya laguma haysto Yuhuudnimo balse waa dad mustacmar ah oo dalal kale kasoo duulay oo doonaya in ay dad kale gumaystaan, balan ay galeen oo aysan burina ma jirto” ayuu yiri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.

Waxuu ugu baaqay bulshada iyo Siyaasiyiinta reer Somaliland iney isaga fogaadaan la tacaamulka Yahuuda, isagoona tusaale ahaan ugu soo qaatay sida ay noqon lahaayeen haddii dhulkooda laga siin lahaa Israa’iil sida Falastiin oo kale.

“Waxaa Leeyahay haddii Hargaysa, Berbera ama Burco dad lasoo dejin lahaa oo la dhihi lahaa waan ictiraafnay, waxii aad ka rumaysan lahaydeen ayaa lagaa rumaysan yahay yahuuda” ayuu yiri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Sheekhu in siyaasiyiinta qiilka u raadinaya ku xirnaanta Israa’iil ee ah in heshiis horay u wada galeen Nabi Muxamed NNKH iyo Yuhuudda ayuu ku tilmaamay in Yuhuudda uu la heshiiyay Nabiga ay ahaayeen kuwo ku hoos nool, hayeeshee aanay ahayn kuwa duulaanka ah sida kuwa hada jooga oo kale.

“Nabi Muxamed Yuhuudda uu heshiiska la galay iyagaa ku hoos noolaa, waxa ay buriyeen heshiiskii iyaga oo qaawiyay Gabadh Muslim ah, sidaas ayaana loo buriyay, ballan ay galleon oo aysan burin ma jirin, marka yaan qiil laga dhigan Nabiga ayaa la heshiiyay” ayuu yiri Sheekh Mustafa Xaaji.

Ugu dambeyntii Sheekh Mustafe ayaa sheegay in maamulka Israa’iil uu yahay mid ku sifoobay xasilooni daro iyo dhiig daadin oo u dambeeysay ay gaysatay Magaalada Gaza, halkaas oo ay ku dishay kumaanaan reer Falastiin ah oo isugu jira caruur, haween iyo dad waayeelo ah oo aan waxba galabsan, slamarkaana ay go’doomiyeen in ka badan 2 Milyan oo ruux oo Falastiiniyiin ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.