Taliban Oo lagu Eedeeyya inay Dadka ku Qasbayaan Madhabtooda Suniga

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Xubno ka tirsan bulsho Muslimiin ah oo laga tirada badan yahay kuna nool Afgaanistaan ayaa ku eedeeyay in saraakiisha Taliban ay ku cadaadinayaan inay ka beddelaan diintooda.

Muslimiinta Ismaaciiliyiinta ah ee raacsan Aga Khan ayaa sheegay in Taliban-ka deegaanka lagu amray inay abaalmariyaan isla markaana ilaaliyaan Ismaaciiliyiinta u wareega diinta Sunni-ga ee caadiga ah.

Mid ka mid ah dadka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isagana loo hanjabayo si loogu qasbo inuu beddelo diintiisa.

Talaadadii, labo ganacsato Ismaaciiliyiin ah ayaa rasaas lagu furay, isla markaana si daran loo dhaawacay, kaddib markii ay weerareen rag hubeysan oo aan la garanayn, kuwaas oo ku sugan gobolka waqooyi-bari ee Badakhshan, halkaas oo inta badan Ismaaciiliyiinta Afgaanistaan ay ku nool yihiin.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.