60
Trump ayaa ugu hanjabay Canada , haddii ay heshiis ganacsi la galaan Shiinaha inuu saarayo canshuur 100% ah, dhammaan badeecooyinka ay Canada keento Mareykanka.
Sidoo kale waxuu uga digay iskuday kasta oo Canada ay ku noqon karto goob uu Shiinaha badeecooyinkiisa ka soo dejiyo, si Mareykanka loo galiyo, wuxuu intaa ku daray; “Shiinaha wuxuu si buuxda u dhaawaci karaa Canada, isagoo burburin kara ganacsigeeda, isku-xirka bulshadeeda, iyo qaab-nololeedkeeda guud.”
Dhinaca kale Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka noqday casuumaad uu u fidiyay Canada si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda ee uu dhawaan dhisay, taasi oo ah muran cusub oo ka dhex dhalisay deriska Maraykanka ee Waqooyiga Ameerika.


