Ciidamada ICE ee Maraykanka ayaa Toogtay Qofkii labaad oo Shacab ah goordhaweyd, xilli dadweynaha Minneapolis wadaan banaan-baxyo ay ku dalbanayaan in ciidan kaasi ka baxo gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota
Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz ayaa sheegay in ciidamada federaalka toogasho kale ka geysteen magaalada Minneapolis qayb ka mid ah hawlgallada xoojinta cunaqabataynta socdaalka ee socda.
Walz ayaa qoraal uu baraha bulshada ku baahiyey ku sheegay in uu la hadlay Aqalka Cad kadib “toogashadii naxdinta lahayd”, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Donald Trump in uu joojiyo hawlgalkan oo uu ciidamada ka saaro gobolka.
Wararka ayaa sheegaya in qofka la toogtay uu haystay bastoolad, inkastoo xaaladda iyo aqoonsiga qofka weli aan si rasmi ah loo shaacin.
Toogashadan ayaa timid kaddib markii ay kumanaan dadweyne maalmo ka hor mudaharaad ka dhigeen Minneapolis iyagoo ka soo horjeeda howlgallada socdaalka ee socda.
Dhacdadan waxay qayb ka tahay xaalad muran badan dhaliyey kadib markii bishii hore sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka (ICE) uu toogtay haweeney la yiraahdo Renée Good isla Minneapolis.

