Ilhaan Cumar oo ah wakiilka xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay in toogashadii ka dhacday magaalada Minneapolis ay ku reebtay qalbi jab, argagax iyo naxdin.
“Maamulka Trump wuxuu isku dayayaa inuu na gayeysiiyo inaan is dhiibno halkii uu na ilaalin lahaa,” ayay tiri.
Xusuusin ahaan, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka – bayaan hadda la sii daayay – waxay ku sheegtay in saraakiisha federaalku ay isku dayeen in ay hubka ka dhigaan ” tuhmane hubeysan ” oo “si xoog leh iska caabbin u sameeyay”.
Sidoo kale, Xildhibaannada Dimuqraadiga ah ayaa cambaareynaya toogasho dhimasho sababtay oo maanta ka dhacday Minneapolis — iyagoo mar kale ku baaqaya in hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) ay magaalada isaga baxdo.
“Waxaan mas’uuliyad iska saarnay inaan dadka Mareykanka ah ka difaacno cadaadiska,” ayay xildhibaanad Alexandria Ocasio-Cortez ku qortay barta X. “DHS waxay hadda qof ku toogteen maalin cad, laba toddobaad ka dib markii ay hooyo wejiga ka toogteen iyadoo aan wax cawaaqib ah la kulmin.”
Ocasio-Cortez waxay tixraacaysaa dilka Renee Good oo 37 jir ahayd, taasoo ay wakiillo federaal ah ku toogteen Minneapolis 7-dii Janaayo.
Hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee Aqalka Congress-ka, Hakeem Jeffries, ayaa wakiillada federaalka ku tilmaamay kuwa “wajiga soo duubtay oo aan sharciga u hoggaansamin.”
“Dhammaantood waa in loola xisaabtamaa sida dambiilayaal ilaa heerka ugu dambeeya ee sharciga,” ayuu yiri.
Xildhibaanad Jasmine Crockett ayaa tiri: “Trump waa inuu wakiilladiisa aan aqoonta lahayn, aan tababarneyn, ee rabshadaha badan ka saaro Minnesota.”
Senatarrada gobolka Minnesota, Amy Klobuchar iyo Tina Smith, ayaa dalbanaya in wakiillada federaalku ay si degdeg ah uga baxaan halkaas.
Xaalad xun ayaa ka taagan magaalada Minneapolis gobolka Minnesota xiligan. Ciidanka ICE ayaa toogtay qofkii labaad maanta iyadoo mudaaharaadyada ay gaareen halkii ugu darneyd.
Ciidamo dheeri ah ayaa lasoo geliyay magaalada waxayna markaan si gaar ah u beegsanayaan xaafadaha ay ku badan yihiin Soomaalida.
Gudoomiyaha Gobolka Minnesota ayaa bartiisa ku soo qoray “Bes intaan nagu filan, xaalada meel daran ayaa mareysaa”
Duqa magaalada Minneapolis Jocob frey oo dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay inuu durbaba uu la xiriiray Aqalka cad uuna kala hadlay toogashadan. wuxuu sheegay in indhihiisa uu ku arkay videoga runtii ay tahay wax aad looga xumaado.
Video lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya nin ay isugu tageen dhowr askar oo kala ah kuwo ICE iyo ciidanka amaanka qaranka , ka dib waxaa la maqlayaa dhawaqa dhowr rasaas. ka dib waxaa la arkayaa nin yaala dhulka oo aan dhaqdhaqaaqynin.
Madaxada Police ka Minneapolis Brain O hala oo hadlay wuxuu sheegay in lagu soo wargeliyay dhacdadane, markay meeshi yimaadena ay arkeen nin dhalinyaro ah oo dhulka yaala jirkiisuna ay ku yaalaan dhowr meelood oo rasaas ah, waxaan isku daynay ayuu yiri in gurmad caafimaad u fidino balse waan ku guuldareysanay.

