Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, maanta loo wareejiyay hoy gaar ah oo dhulka hoostiisa ah, kaddib markii ay sare u kacday cabsi la xiriirta suurtagalnimada weerar milatari oo kaga yimaada Mareykanka.
Kanaalka wararka ee i24NEWS, oo ah mid laga leeyahay Israa’iil, ayaa weriyey in tallaabadan ay timid kaddib qiimeyn amni oo ay sameeyeen saraakiisha ugu sarreysa ee milatariga iyo hay’adaha sirdoonka Iiraan, kuwaas oo sheegay in xaaladda gobolka ay gashay marxalad khatar ah.
Sida warbixinta lagu sheegay, hoyga la geeyay Khamenei waa mid si heer sare ah loo adkeeyay, kuna yaalla gudaha caasimadda Tehran, waxaana la tilmaamay inuu ka kooban yahay godad iyo marinnno dhulka hoostiisa ah oo isku xiran, si looga hortago weerarro cirka ah ama gantaallo lagu beegsado.
Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaantay isbeddel ku yimid maamulka xafiiska Hoggaamiyaha Sare, kaddib markii Masoud Khamenei, oo ah wiilka saddexaad ee Cali Khamenei, loo xilsaaray maareynta hawl-maalmeedka xafiiska. Masoud ayaa la sheegay inuu noqday kanaalka ugu muhiimsan ee xiriirka u dhexeeya hoggaamiyaha iyo hay’adaha fulinta ee dowladda Iiraan, taasoo muujinaysa diyaargarow iyo taxaddar dheeri ah oo la qaaday.
Falanqeeyayaal arrimaha amniga ah ayaa sheegaya in tallaabooyinkan ay muujinayaan welwel dhab ah oo ay Iiraan ka qabto xaaladda cakiran ee gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee kala dhexeeya Mareykanka iyo xulafadiisa.
Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Iiraan ama Aqalka Cad oo si toos ah u xaqiijinaya ama u beeninaya wararkan, balse tallaabooyinka la sheegay ayaa sare u qaaday hadal-heynta ku saabsan suuragalnimada isku dhac milatari oo weyn.

