Alex Jeffrey Pretti oo 37 jir ah ayaa Sabtidii lagu toogtay laguna dilay magaalada Minneapolis, kadib markii ay rasaas ku fureen askar federaal ah. Tani waa markii labaad wax ka yar saddex toddobaad gudahood oo muwaadin Mareykan ah ay dilaan askarta socdaalka.
Taliyaha booliiska Minneapolis, Brian O’Hara, ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa muwaadin Mareykan ah kuna noolaa magaalada.
Dhacdadan ayaa keentay dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Minneapolis. Ciidanka Ilaalada Qaranka (National Guard) ayaa iyaguna caawinaya booliiska maxalliga ah.
Pretti waxa uu ku shaqayn jiray kalkaaliye caafimaad degdeg ah (ICU nurse) oo ka tirsan “Veterans Affairs”, sida ay qortay AP.
AP waxay la hadashay xubno ka tirsan qoyskiisa kuwaas oo sheegay in uu ahaa qof aad u danayn jiray dadka, isla markaana uu si weyn uga caraysnaa siyaasadda socdaalka ee Donald Trump.
Waxay ku andacoonayaan is-difaac
Wasaaradda Amniga Gudaha (Homeland Security) waxay ku andacoonaysaa in Pretti uu hubaysnaa isla markaana askaru ay u dhaqmeen is-difaac. Waxay sidoo kale sheegeen in Pretti uu u soo dhowaaday askarta federaalka isagoo sita bastoolad, isla markaana uu damacsanaa inuu “xasuuq” ku sameeyo.
Fiidiyowyo badan oo muujinaya dhacdada ayaa ku faafay baraha bulshada. Fiidiyowyadu waxay muujinayaan Pretti oo istaagaya inta u dhaxaysa haweeney iyo askari isticmaalaya buufinta basbaaska (pepper spray).
Fiidiyowyada goobta laga duubay waxay muujinayaan in Pretti uu gacanta ku hayay taleefan, ee uusan hub wadan, markii la tooganayay, sida ay qoreen Reuters iyo warbaahin kale. Fiidiyowga waxaa lagu arkayaa isaga oo kor u qaadaya gacanta bidix si uu isu difaaco markii askarigu uu ku buufinayay basbaas, ka hor inta uusan isku dayin inuu caawiyo haweeney dhacday.
askar badan ayaa ku dagtay waxayna dhigeen dhulka iyaga oo ku hayasa xusul duub iyo jilibha oo ay kaga qabteen dhabarka iyo lugaha. Mid ka mid ah ayaa wax ka soo bixiyay suunkiisa kadibna si degdeg ah ayuu uga durkay. Daqiiqado yar kadib, askari kale ayaa afar xabbadood ku dhuftay dhabarka Pretti, sida ay sheegay Reuters.
Wasiirka Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa ku andacootay in ninku weeraray askarta, balse mas’uuliyiinta maxalliga ah ayaa diiday sheekadan.
Waxaan arkay fiidiyowyada dhinacyo kala duwan laga duubay, waana wax laga naxo, ayuu yiri guddoomiyaha Minnesota, Tim Walz.
Taliyaha booliiska Brian O’Hara ayaa sheegay in ninka la dilay uu haystay ruqsad sharci ah oo uu ku qaadan karo hub, taas oo sharci ka ah gobolka.
Booliiska maxalliga ah iyo waalidkiisuba waxay sheegeen in Pretti uusan lahayn wax dambi hore ah, marka laga reebo ganaaxyo la xiriira baarkin.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si degdeg ah u difaacay toogashada ka dhacday Minneapolis. Isla markaana guddoomiyuhu wuxuu sheegay in askartu federaalka ay keenayaan rabshad iyo fowdo.

