Shiinaha ayaa saacadihii u dambeeyay 16 diyaaradood oo xamuul ah u diray Iiraan, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda bariga dhexe , xilli ay sare marayso suragalnimada weerar lagu qaado Iiraan.
Dawlada Shiinaha ayaa si deg-deg ah u billaabay inuu diyaaraddo xamuul ah u diro Iiraan, yaasoo sidoo kale dhalisay is waydiinta doorka Shiinaha ee colaadda bariga dhexe, sida ay baahiyeen Defense Arabic iyo wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv.
Bariga dhexe ayaa ku jira marxalad dib u qaabeyn ah oo la aaminsanyahay inay qeyb ka tahay isbeddelada ka dhacaya caalamka, waxaana dhicitaan kasta oo ku yimaada nidaamka Iiraan uu meesha ka saarayaa saameyntii Shiinaha uu ku lahaa gobolka bariga dhexe , kaasoo 80% shidaalka Iiraan ku hela qiimo jaban.
Waxaana xusid mudan in hadii shidaalka Iran uu gacanta u galo Mareykanka iyo xulafadiisa ay go’doomin dhaqaale iyo istaraatijiyadeed oo uu Shiinahu wajaho, xilli markii horaba uu Shiinaha dhaleeceyn kala kulmayay aamusnaantiisa howlgalkii Mareykanka uu ka fuliyay Venezuela oo lagu beddelay nidaamkii ka jiray dalkaa.

