Jordan, Imaaraadka iyo Ingiriiska Oo Maraykanka ku Taageeraya Weerarka Iran

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Jordan, Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa la sheegay inay bixin doonaan taageero saadka iyo sirdoonka ah haddii Mareykanku weerar ku qaado Iran, sida uu qoray wargeyska Israa’iil ee Israel Hayom.

Warbixintu waxay sheegtay in saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Donald Trump ay riixayaan weerar xooggan oo Iran lagu qaado, iyagoo ku tilmaamay “tallaabo istaraatiji ah oo muhiim ah”, taas oo la sheegay in ay taageerayaan Abu Dhabi iyo dalal Yurub ah oo ay UK ku jirto.

Sida lagu sheegay wargeyska, UAE, Jordan iyo Britain waxay Mareykanka la wadaagi karaan xogaha sirdoonka iyo macluumaadka hawlgallada, sidoo kale waxay kaalin ka qaadan karaan ka hortagga gantaallada iyo drones-ka Iran haddii ay aargoosi sameyso. Tallaabooyinkan difaaca ah ayaa lagu sheegay in lagu ilaalinayo Israa’iil, saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe, iyo kaabayaasha tamarta ee Khaliijka.

Si kastaba, doorka Britain wali ma cadda, gaar ahaan hadalladii dhawaan ee Trump oo hoos u dhigayay kaalinta xulafada dagaalladii hore sida Afghanistan.

Warbixintan ayaa imaneysa xilli Taliyaha Taliska dhexe ee mareykana ee Centcom, Admiral Brad Cooper, uu booqday Israa’iil, halkaas oo la sheegay in labada ciidan ay sii xoojinayaan wadaagista sirdoonka, taageerada saadka iyo difaaca cirka.

Dhanka kale, ilo Carbeed iyo kuwo Khaliijka ah ayaa muujiyay walaac, iyagoo sheegay in dalalka Khaliijka ay ka baqayaan in ay ku dhex dhacaan colaadda bariga dhexe waxaana la sheegay in Sacuudi, Cumaan iyo Qatar ay wadaan dadaallo ay Mareykanka kaga reebayaan weerarro cusub.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.