31
Markabka dagaalka ee Maraykanka USS Abraham Lincoln ayaa galay biyaha hoos yimaada CENTCOM, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.
Khubaradu waxay ka digayaan in Iiraan ay adeegsan karto weerarro drones ah si ay u bartilmaameedsato maraakiibta Maraykanka.
Washington ayaa dhankeeda xoojisay joogitaankeeda milatari si ay uga hortagto khatar kasta oo ka iman karta gobolka Bariga Dhexe.
F.G: CENTCOM, waa xarunta ciidamada Maraykanka ee mas’uulka ka ah Bariga Dhexe, taasi oo hubisa in maraakiibta, diyaaradaha, iyo ciidamada kale ee Maraykanku ay aagga ku sugan yihiin si amni ah, isla markaana ay ka hortagaan khataraha ka imaan kara dalalka sida Iiraan.


