Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in khilaaf xooggan uu ka dhex taagan yahay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo la xiriira eedo musuq-maasuq oo ku saabsan lacago gargaar ah oo la sheegay inay ka yimaadeen dalka Sweden.
Khilaafka ayaa la soo warinayaa inuu u dhexeeyo Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, iyo ku-xigeenkiisa Cabdirasaaq, oo la sheegay inuu qaraabo dhow la yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in labada mas’uul ay isku hayaan sida loo maamulay lacagtaas, iyadoo eedeymo loo jeedinayo Xoghayaha Joogtada ah in uu si khaldan u isticmaalay ama u lunsaday qayb ka mid ah dhaqaalahaasi. Wararku waxay intaa ku darayaan in ku-xigeenka uu muujiyay caro xooggan kadib markii, sida la sheegayo, aan wax saami ah laga siin lacagtaasi.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ama mas’uuliyiinta ay arrintan quseyso, waxaana weli socda hadal-heyn iyo is-weydaarsi eedeymo ah oo ku saabsan dhacdadan.
Khilaafkan la soo wariyay ayaa imanaya xilli xasaasi ah oo ay dowladdu dadaal ugu jirto xoojinta isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa hay’adaha dowladda.

