Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ay “qabteen shaqo wanaagsan,” isla markaana ay ka bixi doonaan gobolka Minnesota.
Trump ma uusan caddeynin waqtiga rasmiga ah ee ay ciidamada ICE ka bixi doonaan gobolka, balse hadalkiisa ayaa kusoo aadaya xilli uu sii kordhayo cadaadis ballaaran oo saaran maamulka Trump, kaasoo lagu dalbanayo in ICE laga saaro Minnesota, kaddib eedeymo la xiriira hab-dhaqankooda.
Dhanka kale, madaxweynayaashii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa si kulul u dhaleeceeyay tallaabooyinka ay ICE ka fulisay gobolka Minnesota, iyagoo ku tilmaamay kuwo dhaawacaya xuquuqda aadanaha isla markaana hurinaya xiisad bulsho.
Sidoo kale Madaxweynihii hore Barack Obama iyo Bill Clinton ayaa dilka Alex Pretti ku tilmaamay “musiibo qalbi jab leh”.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in toogashadii “ay tahay mid baraarujin u ah qof kasta oo Mareykan ah, iyadoon loo eegin dhinac gaar ah, in qaar badan oo ka mid ah qiyamkeenna asaasiga ah ee qaran ahaan ay si isa soo taraysa ugu socdaan weerarro”.
“Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxay intaa ku dareen in maamulka Trump “uu u muuqdo mid aad u xiiseynaya inuu xaaladda sii xumeeyo” iyada toogashooyinkii dhacay oo aan “wax baaritaan ah oo dhab ah lagu sameyn taasoo ay ku tilmaameen in ay u muuqato inay si toos ah uga hor imaanayso caddaynta muuqaalka”.


