Golaha Shacabka Somaliya Oo Ansixiyey Sharciga Amniga Cyberka Somalia

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Hindise-sharciyeedka Amniga Saaybarka Soomaaliya, kaddib kulan ka tirsanaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay wehelinayeen guddoomiye-ku-xigeennada Golaha.

Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 145 xildhibaan, waxaana mudanayaashu akhrinta saddexaad marsiiyeen Hindise-sharciyeedka Amniga Saaybarka Soomaaliya, oo horey u soo maray akhrinta koowaad iyo labaad. Kaddib codeyn la qaaday, hindise-sharciyeedka waxaa oggolaaday 144 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa diiday, mana jirin xildhibaan ka aamusay, taas oo muujisay taageero ballaaran oo uu sharcigu helay.

Sharcigan ayaa ujeedkiisu yahay ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda nidaamyada macluumaadka, kor u qaadidda amniga qaranka ee dhanka saaybarka, iyo dhisidda hannaan qaran oo lagu maareeyo khataraha amniga dhijitaalka ah.

Waxa uu sidoo kale qeexayaa masuuliyadda Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, doorka farsamo ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waajibaadka hay’adaha iyo shirkadaha maamula kaabayaasha muhiimka ah, iyo nidaamka ka-hortagga, ka-warbixinta, iyo ka-falcelinta shilalka amniga saaybarka.

Sharciga ayaa sidoo kale aasaasaya Xarunta Qaranka ee Ka-jawaabidda Xaaladaha Degdegga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), taas oo door muhiim ah ka qaadan doonta la-tacaalidda weerarrada iyo khataraha dhijitaalka ah.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in ansixinta sharcigan ay tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhisayo nidaam qaran oo isku-duuban, laguna xoojinayo u-diyaar-garowga iyo ka-falcelinta khataraha amniga dhijitaalka ah ee dalka.

Dhankiisa, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka, isaga oo xusay in sharcigan uu yahay tiir muhiim u ah sugidda amniga qaranka ee dhanka saaybarka, ilaalinta danaha muwaadiniinta, iyo waafajinta Soomaaliya heerarka iyo hab-dhaqannada caalamiga ah ee amniga saaybarka.

Sharcigan ayaa door weyn ka qaadanaya xoojinta kalsoonida adeegyada dhijitaalka ah, taageeridda kobaca dhaqaalaha dhijitaalka, iyo adkeynta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay, iyo saaxiibada caalamiga ah.

Dhanka kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa isla kulankaas akhrinta labaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, iyagoo ka dooday qodobadiisa iyo muhiimadda uu u leeyahay horumarinta iyo ilaalinta deegaanka dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray guddiga ku shaqada leh sharcigaas in ay diyaariyaan akhrinta saddexaad, halka mudanayaasha Golaha loo qaybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Macmiilka Danabeysan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.