Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay eegayso hantida xildhibaanadda xisbiga Dimoqraadiga ah ee Ilhan Omar, xilli maamulka Trump uu wajahayo cadaadis iyo dhaleecayn ka dhalatay dilka Alex Pretti ee Minneapolis.
Trump ayaa Isniintii sidoo kale sheegay inuu Minnesota u dirayo masuulka xuduudaha ee maamulka Federaalka, Tom Homan, kaddib markii ay halkaas ka dhaceen mudaharaadyo tan iyo markii saraakiil ka tirsan laanta socdaalka ay toogasho ku dileen Pretti, oo ahaa kalkaaliye caafimaad 37 jir ah, subaxnimadii Sabtida.
“Tom waa nin adag balse caddaalad ayuu leeyahay, wuxuuna si toos ah iiga soo warbixin doonaa Minnesota,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada.
Trump ayaa intaas ku daray in Minnesota ay ka socoto “baaritaan weyn” oo la xiriira musuq-maasuq la sheegay inuu gaarayo “20 bilyan oo doollar iyo ka badan”, kaas oo uu ku eedeeyay inuu qayb ka yahay sababaha dibadbaxyada “rabshadaha wata” ee ka socda waddooyinka.
Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in DOJ iyo Kongareeska ay “baarayaan” xildhibaan Ilhan Omar, isagoo ku andacooday inay “Soomaaliya ka timid iyadoo aan waxba haysan”, balse hadda hantideedu ay ka badan tahay “44 milyan oo doollar”.
Ilhan Omar ayaa ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kana soo gashay gobolka Minnesota. Warbixintu waxay sheegtay in hantideedu kor u kacday sannadihii u dambeeyay, taas oo la xiriirta hantida ninkeeda.
Ilhan Omar ayaa si kulul uga jawaabtay hadalka Trump, iyadoo ku eedaysay inuu magaceeda adeegsanayo si uu isaga leexiyo hoos u dhaca ku yimid taageeradiisa.
“Waan ka xumahay Trump, taageeradaadu way burburaysaa, adiguna waad argagaxsan tahay,” ayay Omar ku qortay barta X.
“Sidii la filayay, waxaad ka leexanaysaa guul-darrooyinkaaga adigoo faafinaya been iyo aragtiyo shirqool ah oo iga dhan. Sannado ‘baaritaanno’ ah waxba lagama helin. Ka saar ciidankaaga Minnesota.”
Trump ayaa horey u sheegay inuu ku boorriyay Xeer Ilaaliyaha Guud Pam Bondi inay furto baaritaanno ka dhan ah mucaaradkiisa siyaasadeed.

