Xuutiyiinta Yemen Oo ku Hanajabay in ay kala Xiri-doonaan Badda Cas Hadii la Weeraro Iran

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in ay weerarayaan maraakiibta mareya badda taas oo ah isku day ay ku taageerayaan Iran kadidb markii madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay in uu tallaabo militeri ka qaadayo Iran oo la xiriirta dibadbaxyada dalka ka socda.

Fidiyow ay soo bandhigeen Xuutiyiinta ayaa waxaa ku jiray sawirada Markab gubanaya oo ay ku qoran tahay “taas ayaa dhaceysa”.

Xutiyiinta ma bixin faahfaahin intaas dheer balse hore ayey u weerareen maraakiib boqol ka badan oo marayay Badda Cas taas oo ay ku doonayeen in ay Isreal ku saaraan cadaadis.

Kooxda ayaa joojisay weerarada kaddib markii heshiis nabadeed laga gaaray Gaza, waxayna ka digeen in ay diyaar u yihiin in ay dib u bilaabaan weeraradooda hadii loo baahdo. Kooxda waxay sidoo kale ku rideen boqolaal gantaal Israel labadii sano ee la soo dhaafay

Hanjabaadda Xuutiyiinta ayaa ku soo aaday kaddib markii markabka USS Abraham Lincoln ee qaada diyaaradaha dagaalka lagu arkay isagoo ku socda dhinaca Bariga Dhexe.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.