Israa’iil ayaa qorsheyneysa inay la bilowdo wada-hadallo cusub oo ay la yeelanayso maamulka Trump si loo gaaro heshiis amni oo 10 sano ah, kaas oo beddelaya heshiiska hadda jira ee dhammaanaya 2028.
Israa’iil ma doonayso inay sii waddo ku tiirsanaanta $3.8 bilyan oo gargaar lacageed ah sanadkii oo ay ka hesho Mareykanka. Taa beddelkeeda, waxay rabtaa inay si tartiib ah u yareyso lacagta tooska ah, isla markaana u wareegto iskaashi hub-horumarineed iyo mashaariic difaac oo wadajir ah ay usoo saaraan. Wargeyska Financial Times ayaa sarkaal sare oo Israa’iili ah kaasoo xigtay in iskaashi dhab ah, wada-shaqeyn tiknoolajiyadeed, iyo taageerada militari ee Mareykanka, sida nidaamyada difaaca hawada iyo diyaaradaha culus ee wax duqeeya ay ka muhiimsan yihiin lacag gargaar oo toos ah.
