Warbaahin dalka Itoobiya ayaa sheegtay in hay’adaha amniga Jabuuti ay fashiliyeen isku day afgambi kaas oo la sheegay in lagu doonayay in xilka lagaga qaado Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Wararka ayaa tilmaamaya in isku daygaasi la xidhiidhay xaalado siyaasadeed oo muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa Jabuuti iyadoo mucaaradka Djibouti lagu soo warramayo inuu si tartiib ah u sii xoogaysanayo kaasi oo lagu diidan yahay Joogitaanka ama talada dalkaasi inuu sii hayo kaligii taliye Ismaciil Cumar Geella

Screenshot
