Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa si adag u beeniyay una diiday warar iyo soo jeedinno ku saabsan in shacabka Falastiin losoo barakiciyo gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Somaliland.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Al-Jazeera Isniintii, ayuu wasiirku ku sheegay in ay gabi ahaanba wax aan la aqbali karin tahay in Falastiiniyiinta lagu qasbo inay ka haajiraan dalkooda ama loo raro dhul kale, gaar ahaan in la geeyo Somaliland ama halkaas laga dhiso saldhig ciidan.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan marna oggolaan doonin wax kasta oo keeni kara barakicin ama degsiin qasab ah oo lagula kaco shacabka Falastiin, isagoo xusay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid cad oo ku dhisan taageerada xuquuqda shacabka Falastiin iyo xaqooda ay u leeyihiin dalkooda.
Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajeynayso taageerada saaxiibbadeeda iyo beesha caalamka si loo helo dal Soomaaliyeed oo mideysan, nabdoon, isla markaana xasilloon.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa mar kale adkeeyay in dalku uusan marna ka mid noqon doonin qorshe kasta oo wax u dhimaya shacabka Falastiin ama ku xadgudbaya xuquuqdooda, isagoo ku tilmaamay fikradahaas kuwo ka hor imanaya mabaadi’da bani’aadannimo, akhlaaqda iyo sharciga caalamiga ah.