Afhayeen u hadlay Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa si cad u beenisay in wax kulan ah uu dhex maray Eric Trump iyo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), intii ay socdeen munaasibado ka dhacay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos.
Afhayeenka oo lagu magacaabo Kimberly Benza ayaa Reuters u sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu ka qaybgalay casho ballaadhan oo dad badan ay joogeen, balse aysan jirin wax kulan gaar ah oo dhex maray labada dhinac. Waxay intaas ku dartay in Eric Trump aanu marnaba kala hadlin Madaxweynaha Somaliland arrimo la xidhiidha deked ama maalgashi.
“Marna ma dhicin in Eric Trump uu kulan la yeesho Madaxweynaha Somaliland, sidoo kalena marna kama wada hadlin deked ama wax kale, ” ayay Benza ku sheegtay waraysi ay siisay Reuters, iyadoo xustay in in ka badan 100 qof ay joogeen hoolka xilligaas.
Afhayeenku waxa kale oo ay sheegtay in Eric Trump aanu wax faallo ah ka bixin khudbaddii Madaxweynaha Somaliland uu jeediyay, isla markaana wada-hadalladii dhacay ay ahaayeen oo keliya salaam iyo is-barasho guud.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa isna Reuters u sheegay in uu la hadlay Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, isaga oo sheegay in wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo guul leh. Si kastaba ha ahaatee, Reuters ayaa sheegtay in aanay si madaxbannaan u xaqiijin karin faahfaahinta wada-hadallada la sheegay inay dhex mareen Madaxweynaha Somaliland iyo Eric Trump.
Reuters ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu ka qaybgalay casho albaabadu u xidhnaayeen oo lagu qabtay Davos, halkaas oo uu kaga hadlay fursadaha maalgashi ee Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera oo ku taalla marin ganacsi oo caalami ah.
Sida ay Reuters xustay, weriye ka tirsan wakaaladda ayaa arkay Madaxweynaha Somaliland oo galay hoolka uu Eric Trump ku sugnaa, isla markaana sawirro la arkay ay muujinayeen Eric Trump oo gacan qaadaya Madaxweynaha Somaliland.